<< Back to Home
avatar

Abdifatah Abdilahi

Posted on Apr 15, 2022

5 qodob oo kaa caawinaya inaad programmer tayo leh noqotid


In la barto programming waxay noqotay xirfad soo badaneysa waayadan, sababtoo ah wax walba oo aad u baahan tahay waxaa lagu xaliyey barnaamij. Hadii aad rabtid inaad cunto dalbatid waxaa isticmaalaysaa barnaamij(software) IWM.

Hadaba hadii aad xiisayneysid inaad hada baratid programming ama aad hore u taqaaney, qodobadan aan hoos ku xusney waxay kaa anfacayaan inaad horumarisid barashada aqoontaas iyo inaad ku samayn kartid barnaamij midhodhal ah.

Keliya ha ku eekaan Muuqaal daawasho iyo buug akhrin.

Intaad baratid luuqad cusub oo programming ah waxay lamid tahay adigoo baranaya luuqadaha lagu hadlo oo kale sida Ingiriisi,Isbaanish iyo Faransiiska. Hadii aad ku eekaatid keliya inaad fahantid aas-aasiga luuqadaas oo aadan tijaabin ku hadalkeeda iyo dhagaysigeeda kama gaashaysid ujeedka aad ka lahayd.

Hadaba si aad u gaashid hadafkaaga :-

  • waa inaad samaysaa tusaaleyaasha lagu samaynayo buuga aad akhrinaysid ama muuqaalka aad daawaneysid.
  • Waa in aadan sawirin waxa laguu sharaxayo ee aad fahantaa micnaha code walba uu qorayo bare-haagu inta badan.
  • Waa inaadan ku eekaan inta barehu samaynayo oo keliya isla markaana la timaadaa qaabab kale oo wax loo samayn karo.

Ka fikir barnaamujo fudud oo aad samayn kartid.

Marka aad baratid aasaasiga luuqada, waxaa la gaadhay xiligii aad dhadhamin lahayd macaanka ay lee dahay inaad aragtid wax aad adigu samaysay oo shaqaynaya. Si aad taas ku gaadho, ugu horayn ka fikir barnmaamuj fudud oo aad islee dahay waad samayn kartaaa sida:-

  • Barnaamij kooban oo qabanaya xog soo akhrin, xog kudaris,xog bedelid iyo xog tirid(CRUD Application)
  • Barnaamij hawl maalmeedka lagu kaydsado(Todo Applicaton)

FG: Bilowga hore ha iskudayin inaad barnaamij wayn dhistid sababtoo ah waxaa laga yaabaa marka uu kugu adkaado inaad isdhiibtid isla markaana aad nacdid luuqadii iyo guud ahaan programmingkaba.

Markaa dhistid barnaamujyadaas kooban waxaa la gaadhay xiligii aad macmiil barnaamij wayn dhisi lahayd ama aad ganacsi ahaan u adeegsan lahayd.

Baro sida xalka ciladaha loo raadiyo.

Barnaamij walba oo la bilaabo wuxuu yeeshaa cilado badan, kuwaas oo soo baxa ama xiliga la dhisayo barnaamijka ama marka la dhammeeyo ee onlineka la saaro.Si markaa aad ciladahaas ula noolatid waxaad u baahan tahay inaad baratid qaabka internetka looga raadiyo cilada u haysata. Waxaa biyokamadhibcaan ah in ciladaasi dad kaa horeeyey qabsatay. Gal boggaga sida stackoverflow kuna qor lanbarka gaarka ah ee cilada ama qoraalka cilada ka raadi google iyo kuwa kamid ka ah. waxaad arki doonta xalal kala duwan oo ciladaas ku saabsan.Si taxadarle ku akhri isla markaa adeegso tan ugu haboon ee kuu noqon karta xal.

Daraasee barnaamijyada dadka kaa horeeyey dhiseen.

Waxaa jira barnaamijyo badan oo kujira GitHub kuwaas oo si bilaash ah aad usoo dejisan kartid kedibna aad eegi kartid qaabka ay u dhisan yihiin.Barnaamijyadaasi waxay ku dhisan yihiin luuqadaha kala duwan ee programming-ka,soo rogo kuwa luuqadaada programmingka ku dhisan isla markaana daraasee qaabka code-ka ay u qoreen programmerskii dhisay.

Mar walba la shaqee koox

Far keliya fool ma dhaqdo.

Hadii aad rabtid inaad noqotid qof wax badan barta waxaa mihiim ah inaad koox la shaqaysid.Taasi waxay kaa caawineysaa inaad waqti badan oo kaaga bixi lahaa wax raadin in uu kuu fududeeyo qof kooxda kamid ah oo maadadaas cilmi uleh. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inaad adiga kooxda qaar kamid ah caawisid islamarkaana aad wax badan ka faiidid. Hadii aad barnaamij isla samayneysaan wuxuu noqon mid waqti kooban qaata isla markaana aan hal qof ku xidhneyn tayactirkiisu.

Waad Mahadsantihiin