<< Back to Home
avatar

Abdifatah Abdilahi

Posted on Mar 20, 2024

Erayo ku wacnaan lahaa in lagu daro qaamuus-ka afsoomaaliga ee teknoloojiyadda


Asc dhammaantiin, waxaan jeclaystay inaan idin la wadaago dhawr eray oo aan islee yahay way ku wacnaan lahaayeen eray-bixin-ta Computer-ka, Erayadaasi maaahan kuwo gudi Af-soomali isla qaateen oo la meelmariyey, hadana waxaan is dhahaa ma u adeegsataa muuqaalada aan sameeyo maadaama waxa aan duubayno kubaxayaan afkeena.

  • Code - Qorjaaq
  • Backup - Dhito
  • Variable - Doorsoome
  • Arrays - Doorsoomeyaal
  • Loop - Rakaad
  • Placeholder - Humaag-utaag

Qorjaaq eray Af-somaliga ku jira maahan, laakiin waxaan kasoo minguuriyey erayga 'afjaaq' oo ah wax labo qof isla gartaan sida af-ka ciidanku isla gartaan.

Dhito - Qofkii baadiye soomaray un baa garan karee, waxaa la Kaydiyaa caanaha xoolaha si hadhow dib loo dheefsado.

Doorsoome - Hore ayuu ugu jiray Af-soomaaliga, weliba qaybta xisaabta Aljebra X iyo Y ay yihiin doorsoome. Doorsoomeyaal-na waa doorsoomihii oo labadiyey.

Rakaad - Hore ayuu eraygani ugu jiray afsoomaaliga waxaana loo isticmaala marka nooluhu wax uu kusoo noqnoqdo sida marka xooluhu biya cabaan oo hadana lagu soo celiyo siday uga dhergaan.

Humaag-utaag - Waxaan kasoo min guuriyey erayga 'Waraabe-utaag' oo loola jeedo wax sidii qof u samaysan ama geed qof loo eekaysiiyey si berkadaha iyo beeraha looga ilaaliyo xayawaanka una moodaan in meesha qof taagan yahay.

FG: Erayadan qoraalo ama buugaag kama soo qaadan, erayga Humaag ayaa Bere-haygii dugsida Sare ka bartay sidoo kale wax la isla qaatay maahan erayadan.

Mahadsanidiin.